Warbixinta ku saabsa Degmada Ramsey

In ka badan 525,000 ee reer Minnesota ayaa deggan Degmada Ramsey. Waxayna ku taalla wadnaha toddoba degmo ee magaalooyinka Twin Cities, waana degmada labaad ee ugu dad badan gobolka Minnesota oo ah qiyaastii boqolkiiba 10 degganayaasha gobolka. Degmada Ramsey waxaa la asaasay Oktoobar 27, 1849, ahna degmooyinkii ugu horeeyay ee asaaska u ahaa Minnesota Territory.

Degganayaashu waxay u badanyihiin magaalooyinka, Ramsey waa degmada ugu dhul yar Minnesota iyo cufahaanna leh degganayaasha ugu badan, cabbirkeeda uu yahay 152 mayl ee labajibaaran. Jaalliyadaha Ramsey County waxaa qaran ahaan lagu yaqaanna meelo qurux badan iyo nolol wacan hodnna ku ah tariikh, kala duwanaanashaha qoomiyadaha iyo fursadaha.

Ramsey County waxa ay ka koobantahay magaalooyinka soo socda: Saint Paul (caasimadda gobalka iyo xarunta degmada), Arden HillsBlaineFalcon HeightsGem LakeLauderdaleLittle CanadaMaplewoodMounds ViewNew BrightonNorth OaksNorth Saint PaulShoreviewSaint AnthonySpring Lake ParkVadnais HeightsWhite Bear Lake, and White Bear Lake Township.

Adeegyada Turjumidda

Ramsey County waxaa ka go'an in Ay hubiso in adeegyadeenna iyo shabakaddaan Ay yihiin kuwo Ay adeegsanayaan dadwaynaha awood ahaan u kala duwan oo IIdil. Si Caad luqad oo kale ugu gudubto shabakaddaan, ka fakar in Caad isticmaashid, Google Translate iyo Bing Translator.

Ramsey County waxay kaloo bixisaa adeegyada turjubaanka telefoonka ee gaaraya illaa 170 luqadood. Adeegyada waxaa lagu helayaa ayadoo la waco 651-266-8500 – miiska so dhowaynta ayaa kaala shaqayn doontaa sida uu/ay kuugu xiri lahayd shaqaalaha laan kasta ee degmada iyo turjubaan ku caawiya.  

EZ Info 651-266-3800 waa khad telefoon iswada oo bixinaya macluumaad gaar ahaaneed ee ku saabsan kaalmada dhaqaalaha ee barnaamijyada Ingriisiga, Isbaanishka, Hmoob iyo Soomaaliga.

  • Ka qaado macluumaadka ku saabsan u qalmidda kaalmada dhaqaalaha, meeqaamka barnaamika iyo waxtarrada.
  • Dhexgal hannannada u qalmidda gobolka si aad uga maaranto xogta macluumaadka waxa ku saabsan meeqaamka.
  • U dhaaf farriimo wixii la xariira shaqadaada iyo isbaddellada warbixinta.

Daawo fiidyowga iyo akhri faafinnada ku jira Soomaali

Waxa ay degmadu qabato

Ramsey County waxa ay siisaa barnaamijyo iyo adeegyo kala duwan degganasyaasha degmada iyo martidaba. Adeegyada ay degmadu bixiso waxaa ka mid ah:

  • Maamulidda dhul uu cabbirkiisuu ka badanyahay 6,500 acres oo ka koobaan rugaha lagu nasto iyo lagu raaxaysto parks and recreational, ay ku jiraan 14 beerood, affar dhul ee u xaraysan golofka iyo 11 garoon oo leh barafka lagu taraaraxo.
  • Ku xiraysa degganayaasha barnaamijyada taakulaynta iyo gargaarka assistance and support programs.
  • Bixinaysa adeegyada ammaanka (law enforcement) iyo sharciga iyo ammaaka guud public (safey and legal).
  • Diiwaangalinta codeeyayaasha iyo maamulidda doorashooyinka elections.
  • Rugaha fulinta dib u isticmaalka iyo qashinka dhirta la jaro facilities.
  • Maamulidda maktabadda ee nidaamka toddobada meelood ee la xariiriyo library.
  • Fulinta goobaha wacitaanka deg-degga emergency call center (911).
  • Isku xiridda nacfiyada askartii hore veterans.
  • Socodsiinta diiwangalinta dhalashada birth records iyo guurka marriage licenses.
  • Haynta iyo habaynta waddooyinka degmada county roads, buundooyinka iyo kaabayaasha.
  • Qoorshaynta iyo horumarinta adeegyada gaadiidka guud public transportation
  • Inspecting baaritaanka meelaha shirkadaha iyo maqaayadaha cuntada iyo iibeyeyaasha.
  • Taakuleynta socota ee shaqaalaha workforce ee loo marayo adeegyada shaqa u diyaargarowga.
  • Wax ka qabashada musiibooyinka dabiciiga iyo birmadyada caafimaadka/kulaylka guud.