Macluumaadka ku saabsan Khaladka ku yimid Waraaqda codbixinta Aqalka Degmada 67A.

Ayada oo ay sabab u tahay khalad dhanka kala caddaynta ah, Ismaamulka Ramsey wuxuu soo saaray waraaqda codbixiyaha maqan oo si khaldan uu ugu qoran yahay musharax geeriyooday oo ahaa musharax ugu tartamayay Xisbiga Jamhuuriga  Aqalka Wakiilada Degmada 67A ee Minnesota, Arintu waa mid khusaysa dhammaan waraaqaha codbixinta ee 11 deegaan dooraho oo katirsan Ismaamulka Ramsey kuwaas oo ku yaala Degmada 67A. Arinka waxaa la ogaaday kaddib markii xodaynta dadka goobta codbixinta ka maqan ay bilaabatay. Waraaqaha codbixintu waxay si khalad ah u qorayaan Beverly Peterson in uu yahay usharaxa uga taagan Xibiga Jamhuuriga Aqalka Degmada 67A halkii laga rabay in uu ku qornaado Scott Hesselgrave.

Si arrinkaan loo saxo, Ismaamulka Ramsey waxay bixin doontaa cwaraaqo codbixin oo cusub, lagana saxay deegaan doorashooyinka ay saamaysay. Gudaha Minnesota, codbixiye kasta oo ku codeeya waraaqda codbixiyaha goobta codanta ka maqan waxay ku badali karaan waraaqdooda codbixinta midda cusub kahor ilaa hal todobaad Maalinka Doorashada.

Dhammaan waraaqaha codbixiyaha goobta codaynta ka maqan iyo codaynta tooska ah kaddib Oktoobar 3 waxaa ku qornaan doona musharaxa saxda ah. Kahor inta aan waraaqaha codbixinta ee dib loo saxay aan la soo saarin, 1, 198 waraaq oo codbixiyaha goobta ka maqan loogu tala galay oo khaladaad kujiro ayaa loo diray codbixiyeyaasha.

Macluumaadka loogu tala galay codbixiyeyaasha

Ayada oo la raacayo go’aamadii kasoo baxay Maxkamadda Sare ee Minnesota, Ismaamulka Ramsey wuxuu siin doonaa waraaqaha codbixinta saxda ah ee lagu soo badalay kuwii khaldamay dhammaan codbixiyeyaasha. Halkaan waxada ka helaysaa xulashooyinka loogu tala galay codbixiyeyaasha ay soo gaareen waraaqaha codbixinta ee aan saxda ahayn:

Haddii aadan wali codsan waraaqda codbixinta ee codbixiyaha goobta codaynta ka maqan:

Waraaqaha codixinta badalka ah ee la heli karo kaddib Oktoobar 3 waxaa si sax ah ugu qornaan doona musharaxa saxda ah ee Xisbiga Jamhuuriga uga tartamaya Aqalka Degmada 67A. Waxaad codsan kartaa waraaqda codbixiyaha goobta ka maqan, codkaagana khaladkaanu ma saamayn karo.

Haddii aad heshay waraaq codbixin oo aan sax ahayn, laakiin aadan wali codayn:

Fadlan iska tirtir waraaqda codbixinta ee aan saxda ahayn, waxaan islamarkaaba laguu soo diri doonaa mid kuu badalaysa. Waraaqda codbixinta badalka ah waxaa ku qornaan doona musharaxa saxda ah ee Xisbiga Jamhuuriga ee u tartamaya Aqalka Degmada 67A, Scott Hesselgrave.

Haddii aad mar horeba soo celisay waraaqda codbixinta ee aan saxda ahayn:

Codbixiyeyaasha helay waraaqdacodbixinta ee aan saxda ahayn mar horena codeeyay waxaa u furan dhowr khiyaar si ay u xaqiijiyaan in codkooda la tiriyay saxna uu u noqdo.

  • Xulashada 1: Waxaad dooran kartaa in aad ka dhigto waraaqdaadi codaynta ee hore mid xumaatay adiga oo ka wacaya Xaafiiska Dooroshooyinka Ismaamulka Ramsey 651-266-2171 kuna wargalinaya shaqaalaha dooroshooyinka in aad jeclaan lahayd in aad hesho waraaqda codbixinta badalka ah. Waraaqda codbixinta oo ay ku qoran yihiin magacyada saxda ah ee musharixiinta ka tartamaysa Degmada 67A, sidaa si lamid ah dhammaan xaafiisyada kale ee ku qoran waraaqda codbixinta, ayaa intaas kaddib laguu soo saari doonaa. Waraaqdii hore ee codbixinta lama tirin doono. Waxaad inta akaddib dib ugu codayn kartaa dhammaan xaafiisyada ku qoran waraaqaha codbixinta ee leh waraaqaha badalka ah. Waraaqda codbixinta ee badalka ah ayaa la tirin doonaa.
  • Xulashada 2: Haddii aad doorato in aadan waraaqdaada codbixinta ka dhigin mid xumaatay aadna u codayso musharixii geeriyooday, kaddib codkaaga Degmada 67A lama tirin doono sababtoo ah musharaxu xaq uma lahan in uu xaafiiska qabto. Xulashadaada xaafiis kasta ee kale ee ku qoran waraaqdaada codbixinta ee hore waxaa lagu minguurin doonaa waraaqda codbixinta badalka ah waana la tirin doonaa. Xaaladahaas oo kale, dhammaan codadkaagii hore waa la tirin karaa marka laga reebo codka Degmada 67A.
  • Xulashada 3: Haddii aad doorato in aadan ka dhigin waraaqdaada codbixinta mid xumaatay aadna u codaysay qof aan ahayn musharixii ka taagnaa 67A ee geeriyooday, haddaba codkaaga Degmada 67A waa la tirin karaa sabbatoo ah codkaagii hore waxaa leh musharax wali xaq u leh in uu xaafiis qabto. Xaaladaha noocaas ah, dhammaan cidda aad u dooratay xaafiis kasta oo ku qoran waraaqda codbixinta, oo ay kujirto Degmada 67A, waxaa lagu minguurin doonaa waraaqda codbixinta badalka ah waana la tirin doonaa.