Baadhitaanada

Baaritaanka waa hab muhiim ah oo lagaga hortagayo faafinta COVID-19.Haddii aad leedahay astaamo, isla markiiba isbaadh. Haddii aad la kulantay COVID-19 oo aadan lahayn astaamo, sug ugu yaraan 5 maalmood marka aad la kulantay COVID-19 ka dinba is baar.

Si aad ugu kalsoonaato inaadan qabin COVID-19, CDC iyo FDA waxay hadda ku talinayaan laba baaritaan oo antijin inaadan qabin ah oo loogu talagalay dadka isku arka astaamo ama saddex baaritaan antijin ah oo loogu talagalay kuwa aan isku arkin astaamo, oo la sameeyay 48 saacadood kala duwan. Hal baaritaan oo PCR ah ayaa sidoo kale loo isticmaali karaa si loo xaqiijiyo natiijada baaritaanka antijinka. Booqo Baaritaanka COVID-19: Waxa Aad U Baahan Tahay Inaad Ogaato talooyinka baarista antijin ee CDC iyo FDA.

COVID-19 Is-baaritaan / Qalabo baadhida oo bilaash ah

Deganeyaasha Minnesota waxay haystaan doorashooyin badan oo COVID-19 ah oo baaris ah. Mid ka mid ah fursadahaaga ayaa ah samaynta is-baadh, kaas oo lagu samayn karo meel kasta. Natiijooyinka inta badan waxay ku diyaarsan yihiin 15 daqiiqo gudahood.

Daawaynta COVID-19 oo bilaash ah

Haddii aad degan tahay Minnesota oo lagaa helay COVID-19 oo calamadahaaguna ay bilowdeen 5-tii maalmood ee la soo dhaafay, waxaad uqalmi kartaa in lagugu daweeyo guriga si bilaash, oo ay bixiso Waaxda Caafimaadka Minnesota iyo Cue Health.

Bukaanka doonaya daaweynta COVID-19 waxay soo booqan karaan Cue Health Si aad u bilowdo ama wac 1-833-283-8378.

Barnaamijka (Test to Treat) 

Test to Treat (Dawayn Ubaar) waa barnaamij dalka oo dhan ah halkaas oo aad ka qaadan karto baaritaanka COVID-19 iyo, haddii lagaa helo, uu qiimeeyo daryeel bixiyaha goobta jooga. Haddii aad u qalanto daawaynta, isku mar ayaad heli kartaa daawada oo aad buuxin kartaa warqadda daawada kiniiniga. Fadlan horay u soo qaado liiska daawooyinkaaga xilliga ballantaada. Bukaanka daawaynta doonaya waa inay qorsheeyaan inay hal saac ku qaataan goobta. Goobahan qaarkood waxay u baahan yihiin ballamo.

Find a provider using the goob-sheegaha Test to Treat.

Daawaynta COVID-19 iyada oo loo marayo Barnaamijka Telehealth

Dadka Minnesota ku nool eel aga helay COVID-19 waxay heli karaan dawooyinka COVID-19 lacag la’aan ah iyadoo loo marayo barnaamijka telehealth ay bixiso Waaxda Caafimaadka ee Minnesota iyo Cue Health.

Si aad ugu qalanto:

  • Waxaa lagaa helay cudurka COVID-19 intii lagu jiray shanti malmood ee la soo dhaafay.
  • Calaamadaha cudurka waxay bilaabmeen shantii malmood ee la soo dhaafay.

Barnaamijkan waxaa la isticmaali karaa iyada oo aan loo eegin meesha lagugu baaray, oo ay ku jirto haddii aad isticmaashey baarintaanka guriga. Daawaynta la soo marayo barnaamijka Telehealth waa mid ay heli karaan dhammaan dadka hadda ku sugan Minnesota, iyada oo aan loo eegayn deggenaansho ama xaalad dhalasho. Aqoonsiga gobolka LOOMA baahna. Adegga waxaa lagu heli karaa lacag la’aan. Waxaad ka heli kartaa bixiye Tijaabi si loo daweeyo
Ka hel bixiye isticmaalaya Tusaha Tijaabo iyo Dawayn.

Scroll table right to see more

Noocyada shaybaadhka

Baaritaanka mulukuyular/PCR Antigen degdeg ah
  • Qaabka ugu saxsan ee lagu ogaan karo fayraska COVID-19.
  • Baaritaanka PCR waa hal nooc oo ka mid ah baaritaanka mulukuyular.
  • Kaliya hal baaritaan mulukyular ah ayaa loo baahan yahay - baaritaanno badan muhiim ma aha.
  • Baaritaanka ayaa caadiyan waxaa lagu sameeyaa goob caafimaad ama isbitaal.
  • Natiijadu waxay qaadan kartaa dhowr maalmood waayo baaritaannada waa in shaybaarka loo diraa.
  • Waxbadan ka baro baadhitaanada PCR.
  • Waxa laga yaabaa in aanay sidaas sax u ahayn, gaar ahaan dadka aan lahayn astaamaha.
  • Natiijooyinka baaritaanka sheegaysa inuu qofka qabo (positive) badanaa waa sax waana la isku halayn karaa.
  • Haddii qof aanu isku arag calaamado, baaritaannada antijinka ayay u badan tahay inay sax yihiin.
  • Natiijooyinka baaritaannada waxaa lagu heli karaa 10 - 30 daqiiqo gudahood.
  • Waxbadan ka baro baadhitaanada antigenka degdega ah.
Scroll table right to see more

Goobaha baaritaanka ee COVID-19

Location Details

Minneapolis - Phyllis Wheatley Community Center

1301 North 10th Ave
Minneapolis 55411

  • Baadhitaanka candhuufta.
  • Monday: 2 p.m. -  5 p.m., Tuesday, Thursday: 3 p.m. – 7 p.m.
  • Iska imaanshiyaha waa la soo dhawaynayaa.
  • Jadwalka tallaalka oo buuxa.
  • Kala xiriir Khadka Tooska ah ee Bulshada Madow ee Minnesota COVID-19 612-254-1145.

Hel dhammaan goobaha baaritaanka ee jaaliyadda


Gooboaha baaritaan dheeraad ah

Baaritaanka COVID-19 waxaa sidoo kale lagu bixiyaa rugaha caafimaadka, isbitaallada iyo farmashiyaha (sida CVSHy-Vee iyo Walgreens).

Hel goobaha baaritaan