Ikhtiyaarrada daawaynta COVID-19

Haddii aad leedahay qandho, qufac, ama calaamado kale, waxaa laga yaabaa inaad qabto COVID-19.Calaamaduhu waxay soo bixi karaan 2-14 maalmood kadib soo-gaadhista fayraska. Dad badan ayaa qaba cudur fudud waxayna ku bogsan karaan guriga iyagoo is-gooni yeelayo.

Goorta la raadinayo gargaar caafimaad

Ka raadi calaamadaha digniinta degdegga ah* ee COVID-19. Haddii qof uu muujiyo mid ka mid ah calaamadahan, raadso daryeel caafimaad oo degdeg ah ama wac 911 isla markiiba:

  • Neefsashada oo dhib ah.
  • Xanuun ama cadaadis laabta oo joogto ah.
  • Jahwareer cusub ama aanad awoodin inaad toosto.
  • Dibnaha ama wejiga oo buluug ku noqdo.

*Liiskani maaha mid dhammaystiran. Wac bixiyaha daryeelka caafimaadka kahor inta aadan gelin. U sheeg calaamadahaaga waxayna ku siin doonaan tilmaamo kaa caawinaya ilaalinta adiga iyo bukaannada kale.

Daawooyinka COVID-19

Dadka qaba xaalado caafimaad oo hoos yimaad ama habdhiska difaaca ee daciifka ah waxay ka faa’iidaysan karaan daawoyinka COVID-19. Daaweynta waxa loo baahan yahay in loo bilaabo sida ugu dhaqsaha badan ee suurtogalka ah, markaa la hadal bixiye daryeel caafimaad isla markiiba haddii lagaa helo cudurka. Bixiyaha daryeelka caafimaadka ayaa kaa caawin doona go'aaminta daawada adiga kuu fiican. Learn more.

Barnaamijka (Test to Treat) 

Test to Treat (Dawayn Ubaar) waa barnaamij dalka oo dhan ah halkaas oo aad ka qaadan karto baaritaanka COVID-19 iyo, haddii lagaa helo, uu qiimeeyo daryeel bixiyaha goobta jooga. Haddii aad u qalanto daawaynta, isku mar ayaad heli kartaa daawada oo aad buuxin kartaa warqadda daawada kiniiniga. Fadlan horay u soo qaado liiska daawooyinkaaga xilliga ballantaada. Bukaanka daawaynta doonaya waa inay qorsheeyaan inay hal saac ku qaataan goobta. Goobahan qaarkood waxay u baahan yihiin ballamo.

Raadi bixiye adigoo isticmaalaya goob-sheegaha Test to Treat.

Daawaynta COVID-19 iyada oo loo marayo Barnaamijka Telehealth

Dadka Minnesota ku nool eel aga helay COVID-19 waxay heli karaan dawooyinka COVID-19 lacag la’aan ah iyadoo loo marayo barnaamijka telehealth ay bixiso Waaxda Caafimaadka ee Minnesota iyo Cue Health. Daawaynta la soo marayo barnaamijka Telehealth waa mid ay heli karaan dhammaan dadka hadda ku sugan Minnesota, iyada oo aan loo eegayn deggenaansho ama xaalad dhalasho. Aqoonsiga gobolka LOOMA baahna. Adegga waxaa lagu heli karaa lacag la’aan. 

Si aad ugu qalanto:

  • Waxaa lagaa helay cudurka COVID-19 intii lagu jiray shanti malmood ee la soo dhaafay.
  • Calaamadaha cudurka waxay bilaabmeen shantii malmood ee la soo dhaafay.

Si aad qof ugula hadasho Espanol, Af-Soomaali, Lus Hmoob, ကညီက ျိ (Karen), Afaan Oromoo, አማርኛ (Amharic), Tiếng Việt, عربي (Arabic), 官话 (Chinese Mandarin), Русский (Russian), and Français, wac 1-844-609-2415.

Get treatment